Categories
About WFBG

Somali

KOOXDA DADKA LABADA LUQADOOD KU HADLA EE WALTHAM FOREST – TAAKULAYNTA QOYSASKA KU HADLIDDA LUQADAHA

Ahaanshaha qof luqado badan ku hadli kara (luqado-yaqaan) waxay faa’iidooyin badan u keentaa – carruurta, jaaliyaddeena, dhaqaalaheena. Laakiin waxaa marar badan dhacda in ayagoon macluumaad hayn daraadeed ay waalidiinta luqadaha badan ku hadli karaa doortaan inay carruurtooda Ingiriis kula hadlaan. In kabadan boqolkiiba labaataan dadka ku nool Waltham Forest waxay ku hadlaan luqad dheeraad ah oo aan Ingiriis ahayn, laakiin Britain waxay weli aad u tahay waddan hal af looga hadlo oo ku hadlidda hal luqad loo arko mid iska caadi ah in kastoo xaqiiqadu tahay in dadka adduun-weynaha ku nool marka saddex loo qaybiyo ay in ka badan laba meelood yihiin kuwo laba luqadood ku hadla. Ku hadlidda hal luqo oo kaliya waa dhif ee ma ahan wax iska caadi ah.

Kooxda Dadka Labada Luqadood ku Hadla ee Waltham Forest (WFBG) waa koox tabarrucaad ku shaqaysa oo deegaanka ah kana koobaan waalidiin luqado badan ku hadli kara, waxaana la aasaasay 2003 dii. Ujeedadeenu waa inaan kor u qaadno, kob-cinno, dhiirra-gelino una dabbaal-degno kala-duwanaanshaha xagga luqadda iyo dhaqanka maadaama aan waalidiinta ka caawinayno sidii ay carruurtooda ugu bar-baarin lahaayeen inay noqdaan kuwo laba luqadood ku hadla.

  • Kulan bille ah oo ballan in la samaysto aan loo baahnayn oo waalidiinta iyo carruurta loogu talagalay: WFBG waxay kulmaan bishii hal mar oo galab Sabti ah waxayna ku kulmaan Limes Children and Community Centre oo ku taal Walthamstow laga bilaabo 3.30 ilaa 5.30. Kahel (ka eeg) Limes Centre khariidada (maabka)
    Fursad aad kula sheekaysan karto waalidiinta kale ee labada luqadood ku hadla inta ay carruurtu ciyaarayaan! The Limes waa xarun cajiib ah oo bannaanka ku leh qalab heer sare ah oo beerta gudaheeda ku yaal, warta banooniga (ball pond) oo gudaha ku taal iyo xirfado badan oo wax la samaynayo oo carruurta loogu talagalay. WFBG dadka xubnaha ka ah waxay amaahan karaan buugaag,waxay qaadan karaan buugaagta carruurta oo bilaasha ah kuwaasoo lagu tabarrucay iyo waxyaalo kale oo wax caawiya oo afaf kala duwan ku qoran, sidoo kale waxay waalidiinta khibradda badan leh kala hadli karaan wixii welwel ama su’aal ah ee ay qabaan.
    Dhamaan waa la soo dhaweynayaa, looma baahna inaad telefoon iska soo hormariso, waa iska imaan kartaa un!
    Fadlan ka fiiri jadwalkeena kulanka kusoo xiga
  • Siminaaro aqoon kororsi ah oo waalidiinta cusub loogu talagalay: Siminaarada aqoon kororsiga ah waxay isticmaali doonaan layliyo fudud oo farxad leh, munaaqasho iyo qaybo su’aal iyo jawaab ah si aasaas horudhac ah looga bixiyo waxyaalaha dadka xubnaha kooxda ka ahi barteen ee shaqeeya una shaqeeya qoysaska kala duwan ee labada luqadood ku hadla. Siminaaradeena aqoon kororsiga ah waxaa maamula (bixiya) waalidiin oo waalidiinta kale siiya.
    *Tallaabada Koobaad*: Siminaar aqoon kororsi ah oo loogu talagalay waalidiinta leh carruur da’doodu u dhaxayso 0-3.
    *Tallaabada Xigta*: Siminaar aqoon kororsi ah oo loogu talagalay waalidiinta leh carruur da’doodu tahay 4 sano iyo wixii ka sii weyn kaasoo ahmiyadda saaraya la qabsashada wax hal luqad ka badan maadaama ay carruurtu waqtigaas bilaabaan inay wax qoraan waxna akhriyaan.
    Jeegaree jadwalkeena kana eeg taariikhaha iyo dhacdooyinka khaaska ah.
  • Sida aad gacan uga geysan kartid hawlaha WFBG: Sanooyinkii la soo dhaafay, WFBG waxay tala-bixin iyo taageero siisay boqolaal qoys oo afaf badan ku hadla kuna nool Waltham Forest iyo North East London. Dhammaan hawlaheena waxqabad waa u bilaash cid kasta oo danaysa arrimaha dadka luqadaha badan ku hadla (inkastoo kuwa sida joogtada ah u yimaada kulamada, lagu martiqaadayo inay bixiyaan tabarruc sannadle ah oo £12 ah ama £6 qoysaska aan shaqayn) Kharashka aan wax ku qabano ee intaas ka soo harana, waxaan ku tiirsannahay deeqo aan ka helno trusts iyo ururada sama-falka ah. Haddii aad doonayso inaad xubin noqoto ama inaad kooxdeena taageerto un, fadlan nala soo xiriir ama imoow shirkeena ku xigga ee ka dhici doona the Limes.

NASEEXO WAALIDIINTA CUSUB KU WAJAHAN

  • Weligaa haka aqbalin talo-bixinta ah inaad joojiso ku hadlidda luqadaada dhakhtar, macallin, booqde caafimaad ama ummuliso. Waxaad weydiisataa in laguu gudbiyo daaweeye-hadal (speech therapist) oo ku takhasusay dadka laba luqadood-laha ah kaa soo arrintaada si qotodheer kaala hadli doona lagana yaabo inuu ku siiyo taladaas mid si toos ah uga soo horjeedda. Waxaa loo malayn jiray in ku hadlidda wax hal luqad ka badan carruurta jahawareer ku riddo. Waalidiintu waxay weli mararka qaarkood ku fikiraan in haddii cunug luqad kale oo aan Ingiriis ahayn guriga uga hadlo uu iskuulka dib uga dhici doono. Waxyaalahaan la citiqaadsan yahay ayaa waxaa si cad loo muujiyay inay beenyihiin, iyadoo daraasad caddaysay in carruurta luqadaha badan ku hadla ee UK ku dhasha ama yimaada ayagoo aad u yaryar ay ugu yaraan iskuulka si fiican wax uga bartaan ama run ahaantii ay si joogto ah uga buundo sarreeyaan carruurta halka luqo ku hadasha hawlaha waxbarasho ee fikirka u baahan qaarkood.
  • Kula hadal afkaaga hooyo ama luqadda aad aadka faseexa ugu tahay carruurtaada. Inkastoo laga yaabo inay wanaagsan tahay in carruurtaadu fursad u helaan inay qaddar Ingiriis ah bartaan inta aysan iskuulka bilaabin marka da’doodu gaarto 4 ama 5 shano, haddana waxay aad ugu badan inay lumiyaan luqadooda labaad balse uma badna in dhibaato ka qabsato ku hadlidda Ingiriiska ayagoo da’daas aadka u yar jira. Carruurtu waxay Ingiriiska ku bartaan si dhaqso badan oo cajiib ah waxayna ka bartaan kooxaha ay la ciyaaraan iyo xannaanada.
  • Isticmaal dhammaan waxyaalaha la heli karo ee ku caawin kara luqaddaadana ah: TVga, cayaaraha, shaxda (board-games), DVDga, buugaagta, ciyaaraha computer ka iyo booqashada qaraabada iyo saaxiibada. Markii aad geliso dadaal badan oo xag tayo iyo xag tiro labadaba ah, wax badan ayaa kaaga soo bixi doona labada luqadoodba tii aad dadaalkaas geliso.
  • Naftaada hadaf u yeel go’aanna ku gaar sida arrintaani muhiimka kuugu tahay. Ma waxaad rabtaa in cunugaagu (luqadda) ku hadlo oo fahmo kaliya? Ma waxaad rabtaa inay wargeys akhriyaan,warqad qoraan, shaqo helaan?
  • Ugu dambayntii ahna arrinta ugu muhiimsan ha quusan. Inta badan carruurta leh waalidiinta labada luqadood ku hadli kara haddana noqda kuwo hal luqad oo kaliya ku hadla, waxay sidaa u noqdaan marka waalidkood ka raja dhigaan. Waxaa jiri doona mar arrintu heersare tahay iyo marar ay hoosayso. Carruurtu way kasoo horjeesan doonaan waxayna kuu sheegi doonaan inaysan jeclayn luqadooda daciifka ah. Haku qasbin inay luqaddaada ku hadlaan laakiin isla-marahaan-taasna haka quusan inaad luqaddaada kula hadasho. Sii wad inaad cunugaaga tusto sida luqaddu muhiimka kuugu tahay iyo sida aad u rabtid inay awood u yeeshaan inay isticmaalaan. Inkastoo laga yaabo in carruurtu mararka qaarkood ay ka cagajiidaan inay afkooda hooyo ku hadlaan, haddana dadka waaweyn ee laba-luqadood laha ah waxay inta badan aad iyo aad ugu mahadceliyaan waalidkood maadaama ay juhdi ku bixiyeen oo aysan ka quusan.

La koritaanka luqadaha – Fikradaha Luqadaha-badan ee Carruurnimo oo ay Qortay Claire Thomas ayaa waxaa la daabacay 2012 waxaana daabacday Multilingual Matters. Buuggu wuxuu diiradda saarayaa waaya-aragnimada ay la kulmeen dadka ku bar-baaray ayagoo laba luqadood ama ka badan ku hadlaya, wuxuuna aragti ka bixinayaa dad badan oo laba luqadood ku hadla asalkooduna kala duwan yahay.

Haddii aad u malaynayso inaad gacan ka geysan karto u tarjumidda luqadaada, fadlan nala soo xiriir.